Shan qof oo burcad ah oo lagu togtay Countiga Kiambu

Ciidamada booliska ee ka howlgasha Countiga Kiambu ayaa lagu soo waramayaa on ay toogasha ku dileen dad burcadnio looga shakiyay oo ka qowleysata aagaasi.

Booliska ayaa sidoo kale la sheegay in ragaasi oo ka ka kobnaa shanta qof ka helaan bistoolada iyo rasaas oo la sheegay In ay ku argagax galin jireen dadka deeganka si ay falal dhac ah u gestaan.

Taliyaha ciidamada boliska ee countiga Kambu Larry Kieng’  ayaa sheegay in eedeysanayaashan lagu dawa jiray lagasoo bilabo Magaalada tan Nairobi oo markii hore ay ka tageen, waxuuna intaa kudaray in ciidamo si gaaar ah u tababran ay ka war hayeen dhaqdhaqaaha ragaasi kadibna ku guulsetay in ay toogtaan.

Mr Larry oo hadalkiisa si watay xili uu warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in ciidamada ay nimankaasi ka heleen bistoolad iyo lix rasaas iyo sidoo kale bistoolad faalso ah.

Laamaha amaanka ayaa dhawaanahanba sare u qaday howlgalada lagu bacsanayo dadka looga shakiyo falal burcadnimo oo intabadan dhac u gesta shacabka qeybo kamdi ah dalka.

 

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

1 thought on “Shan qof oo burcad ah oo lagu togtay Countiga Kiambu

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *