Xoghaya ururka macalimiinta ee KNUT oo wacad ku maray in ay dugsiyada xirayaan hadii dowladda aynan xirin.

Ururka ay macalimiinta dalka ku bahobeen ee KNUT  ayaa dowlada ka dalbaday in ay xirto dugsiyada todobaad ka hor xiligii loogu talagalay si loo dajiyo xasilooni darada la xiriirta dhacdooyinka dugsiyada qaar dab lagu qabadsiinayo.

Xoghaya ururka macalimiinta ee KNUT  Wilson Sossion ayaa xusay in ardayda ay daaleen isaga oo intaas ku daray dugsiyada la gubayo  in ay tahay fariin adag oo ka turjumeysa in ardayda uu walwal  hayo.

Sido kale sossion ayaa yiri  caruurta waa in fasax la siiyo si dugsiyada loo badbaadiyo, iyada oo ay xasaarad taagantahay waa qalad in dugsiyada lagu sii hayo.

Xoghayaha KNUT ayaa  wacad ku maray hadii ay dowlada dugsiyada xiri weydo in ay xubnaha ururka ka dalbanayaan in ay goobaha waxbarasho albaabada isugu dhuftaan.

Taarikhda ay doonayaan in dugsiyada la xiro ayuu Sossion ku sheegay in 5-ta August ee sanadkan ay tahay halkii ay horay dowlada u qorsheysay in la xiro 12-ka isla bishaashi.

Wasiirka waxbarashada Dr.Fred Matiang’i  oo ka  soo hormuuqaday gudiga tacliinta ee senetka  aya horay ugu gacanseyray  in xiliga la kordhiyay ay tahay sababta keentay dhibaatada taagan.

Ugu dambeyntina  hadalka Wilson Sossion ayaa ku soo begmaya iyada oo sida laga soo xigtay afhayeenka  dowlada  Eric Kiraithe ciidamada booliska amar lagu siiyay in ay xabsiga u taxabaan qof kasta oo la arko isaga oo  shidaal ka iibinayo ardayda

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *