Ardayda qaar oo sharaxay sababta ay dugsiyada u gubeen

Qaar ka mid ah ardayda qirtay in ay ka qeyb qateen dhacdooyinka dugsiyada lagu gubay ayaa iyaga oo u waramay wargeyska Sunday Nation sheegay in sababta ay falkaas u geysanayaan ay tahay arimo dhowr ah oo ay ka tabanayaan maamulada dugsiyada.

Waxay xuseen in maamulayaasha aynan tixgelinin   cabashooyinkooda sida tayada cunada oo ah mid anaan wanagsaneyn.

Dhanka kale waxay carabka ku dhufteen in aynan jecleysanin xili dugsiyeedka la kordhiyay.

Arday magiciisu anan ogolaanin in la shaaciyo oo dhigto dugsiga sare  ee Njonjo Girls  oo ku yaala maamul goboleedka Laikipia  ayaa yiri maamulada sababo anan micna laheyn ayay ardayda u qaraacan.

Gabadhan ayaa  ka mid ahayd 19 arday oo cafis loo fidiyay ka dib markii ay ku lug lahaanshaha  in ay kiciyeen xasilooni daro  qeybta jiifta ee dugsigaasi qarka u saartay in la gubo.

Waxyaabaha kale oo ay ardayda ku sababeyeen dhacdooyinkan ayaa ah macalimiin dugsigaasi laga wareejiyo, lacagta dugsiyada lagu bixiyo oo lagu kordhiyay 3000 oo shilin daryeel caafimad oo liita iyo qaraaca dib u soo laabtay.

waxay intaas ku dareen in laga hor istaagay in cunada ay u qataan goobta jiifka,dawashada telefishanka iyo in ay codsadeen in maamulayaasha iyo macalimiinta qaar la bedelo.

Ugu dambeyntina hadaladan ayaa ku soo begmaya iyada oo uu ururka macalimiinta ee KNUT dowlada ugu baaqay in dugsiyada ay xirto si loogaga hortago falal kale oo dheeri ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *