Hoggaamiyaha xisbiga Ford –Kenya Moses Wetangula oo sheegay in uu la shaqeynayo madaxda galbeedka Kenya

Hoggaamiyaha xisbiga ford Kenya sido kalena ah senetarka  maamul goboleedka Bungoma Moses Wetangula ayaa sheegay in u diyaar u yahay in u la shaqeeyo madaxda kale ee ka soo jeedo galbeedka Kenya.

Waxa uu si gaar ah u magac dhaway xidhibaanka degaanka Budalangi Ababu Namwamba iyo  mudanaha laga soo  doortay degaanka Funyula paul Otuoma .

Labadan xildhibaan ayaa dhawaan iska casilay xilalkii ay ka hayeen xisbiga ODM oo kala ahaa xoghayaha guud iyo gudoomiya kuxigeenka.

Dhanka kale Moses Wetangula  ayaa ka dhawaajiyay in uu doonayo in hoggaamiyaha mucaaradka ee Cord Raila Odinga uu isaga dhiso si uu u noqdo madaxweynaha xiga ee  Kenya.

Ugu dambeyntina  Moses Wetangula  ayaa sheegay in jaaliyada ku dhaqan galbeedka dalka oo midowdo ay keeneysa in loo xushmeeyo sida qowmiyadaha kale.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *