Joseph Nkaissery o ka dalbaday Raila Odinga in uu raali galin kabixiyo aflagaado u horay ugu gestay

Raila-Odinga

Wasiirka wasaarada arimaha gudaha iyo iskuduwaha ammaanka qaranka Joseph Nkaisery ayaa ka dalbaday Hoggaamiyaha isbahaysiga mucaaradka ah ee Cord in u raali galin ka bixiyo aflagaada u horay ugu gestay.

Xili Odinga uu booqasha ku tagay Bartamaha Kajiado oo u kasoo jeedo wasirkaasi ayaa waxaa u goob fagaara ah oo ay dadweyne farabadan isugu yimaaden ku sheegay hadalo qalafsan oo ka dhan ah Nkaissery.

Mas’uulkan ayaa la sheegay in uu wasiirka wasaarada arimaha gudaha kutilmaamay cayaan ku dhacay galas caana ah kadibna dhintay.

Nkaissery ayaa hadda raila Odinga ugu baaqay in uu raali galin deg deg ah ka bixiyo hadalkaasi hadii aysan ahayn u la tigsan doono sharciga u yaala dalka waxuna intaa ku daray in hadalkaas u meel oga dhacayaan sumcadiisa.

Iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay sare u kacayeen kulamada ay yeelanayaan siyaasinta dalka ayaa Nkaisery waxa u dhinaca kale ka dalbaday siyaasinta in ay iska ilaaliyaan hadalada naceybka abuurayo oo ay ku dadaalan olala nabadeysan.

Hadalkan kasoo baxay Mas’uulkan dowlada ka tirsan ayaa ku soo begmaya laba isbuuc kadib markii sidan oo kale Joseph Nkaissery u oga digay Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka in uu joojiyo kicinta golaha garyaqaanada oo goor sii horeysay ku baaqayay in mas’uuliyiinta ugu sareyo ee laamaha amaanka ay xilka iska dhigaan maadama ay ku guuldaresteen xakameynta dilalka sharci darada ah.

Nkaissery  ayaa xiligaasi sheegay in uusan is casili doonin ilaa uu codsi ooga imaanayo maadaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta oo ku aadan in xafiiska u baneeyo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

1 thought on “Joseph Nkaissery o ka dalbaday Raila Odinga in uu raali galin kabixiyo aflagaado u horay ugu gestay

  1. Nkaissery haduu dacweyo xataa wax kama qadayo raila tagyarayaal badan ayuu kuleyahay dalka iyo wuxuu leyahay qareenada wadanka ugu khibrid badan sida james orengo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *