Madaxweynaha dalka iyo ku xigeenkiisa oo galbeedka Kenya booqanayo

Madaxweynaha dalkan Kenya Uhuru Kenyatta iyo kuxigeenkiisa  William Ruto ayaa dhawaan booqasho maalmo anan la shaacinin qaadaneysa ku tagaya galbeedka dalka.

Wasiirka  biyaha  iyo waraabka Eugene  Wamalwa ayaa sheegay in booqashadan ay tahay mid lagu sii xojinayo kormeerka lagu sameynayo mashaariicdka horumarineed ee laga fulinayo degaanada hoos tago gobolka galbeedka Kenya.

Booqashadan ayaa ku soo begmeysa iyada oo uu maalintii jimcaha hoggaamiyaha mucaradka ee Cord Raila Odinga soo afjaray booqasho 5 maalin qaadatay oo uu ku joogay gobolkaasi.

Raila oo intii uu ku sugna galbeedka Kenya,degaanada kala duwan ku qabtay isu soo baxyo siyaasadeed oo uu ku dhaliilay waxqabadka isbahaysiga talada dalka haya ee Jubilee.

Ugu dambeyntina isbahaysiga Jubilee ayaa in muda ah bartilmaamedsanaayay  galbeedka Kenya tan oo keentay in xildhibaanada qaar ay si cad u sheegan in ay Jubilee ku biireen.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *