Mas’uuliyiinta gobolka xeebta oo cambareeyay howlgal lagu togtay dabley katirsaneed Kooxda Alshabab

Waxa isa soo taraya cambaareynta loo jeedinayo laamaha amaanka ee ka howlgala gobolka xeebta ee dalka gar ahaan Magaalada Mombasa kadib markii laba maalin ka hor ay toogasha u gesteen dhalinyaro looga shakiyay in ay katirsan yihiin kooxda Alshabaab.

Xildhibaanka Degmada Kisauni Rashid Bedzimba ayaa meesha ka saray in dhalinyarada booliska ay togteen howlgalkii ay ka fuliyeen Junda khamiisti aynu soo dhafnay ay katirsan yihiin kooxaha loogu yeero argagixisada.

Labadaasi qof oo lagu kala magacaabi jiray Salim Abdhal iyo Salim Omar ayay ciidamada booliska sheegen in ay xiriir la lahaayen shabaab islamarkaana ay qorsheynayaan weeraro ay ka gestaan meelo kamid ah Countigasi Mombasa.

Xildhibaan Bedzimba ayaa sheegay in Salim Hanjari uusan wax xiriir lalahaan jirin kooxaha argagixisada.

Goor sii horeysay ayayy ahayd markii gavanaha Countiga Mombasa Hassan Ali Joho oo si kulul u cambaareeyay dilka qaar kamid ah dhalinyaradaasi waxuna sheegay in dowlada ay hadda u soo jeesatay sidii ay u layn lahayd muslimiinta iyadoo adegsaneyso magaca argagixiso.

Joho ayaa waxaa u ku hanjabay in ay qaadi doonaan mudaaharad looga soo horjeedo dilalkaasi si ay ooga jawaaban talaabooyinka ay qaadayaan ciidamada amaanka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

1 thought on “Mas’uuliyiinta gobolka xeebta oo cambareeyay howlgal lagu togtay dabley katirsaneed Kooxda Alshabab

  1. joho waa runtiis dowlada waxay rabta iney dhameeso musliminta gobalka xeebta ayigo uga soo gabanayo magaca argagixisada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *