Celtic oo la soo wareegtay Toure

Kooxda Celtic ee ka dhisan waddanka Scotland ayaa waxa ay shacisay in ay la soo wareegtay laacibka rer Ivory ee daafaca uga dheli jiray kooxda Liverpool ee ka dheesha horyalka Ingiriiska ee EPL waxana u xiddigan qalinka ku duugay heshiis hal sano ah waxana u sidaas kula midoobaya tababarihi hore ee kooxda Liverpool Brendan Rodgers oo ay hadda ka hore wada shaqeyn ay kusoo dhexmartay xili ay ka wada hawlgali jireen garoonka Anfield ee ay ku dheesho kooxda Liverpool.

Ciyaaryahankan ayaa waxa u horey uu ugu soo dheelay kooxaha kale ee ka dhisan dalka Ingiriiska ee kala ah Arsenal iyo kooxda kale ee Manchester City waxana u horyalka Ingiriiska kusoo biiray sanadi 2012-ka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *