Dowlada oo loogu baaqay in ay soo saarto shuruuc ay maamulayaasha dugsiyada ardayda ku edbin karaan

Dowlada dalkan Kenya gaar  ahaana xildhibaanada ayaa loo jeediyay baaq hor leh oo la xiriira sidii ardayda ay u noqon lahayeen kuwo nidaamka raaca.

Qaar ka mid ah maamulayaasha dugsiyada  countiga Uasin Gishu ayaa walaac ka muujiyay geedi socodka dheer oo ay qaadaneyso in ardayda falal dambiyeedyada ay geeysanaayan lagula tacaalo.

Waxay   barayaashan doonayaan in xildhibaanada ay kal fadiyaashooda qaar u adeegsadaan in ay soo saran shuruuc dugsiyada u gaar ah oo maamulayaasha ay ardayda nidaam daro la yimaado  talaaba uga qaadi karaan.

Maamulaha dugsiga sare ee Regge  oo ku yaala countiga Uasin Gishu ayaa sheegay  in sharci laanta dugsiyada u gaarka ah ay keentay in arday badan ay ku lug lahadaan falalka ka soo horjeeda nidaamka  wanaagsan ee ardayga looga baahanyahay.

Dhanka kale waxaa isa soo taraya kala qeybsanaanta  la xiriirta in la soo celiyo garaaca   geysto ardayda  dambiyada kala duwan sameeya.

Afhayeenka aqalka senetka Ekwee Ethuro ayaa  doonaya in  nooc ka mid ah siyaabihii horay ardayda lagu edbin jiray gaar ahaana garaaca la soo celiyo.

Hadalkan ka soo yeeray qaar ka mid ah macalimiinta dalka ayaa ku soo begmaya iyadoo arday badan  oo lala xiriirinayo in ay dugsiyadoodu gubeen ama qorsheynayeen in ay dab qabadsiyaan ay ku jiraan gacanta laamaha ammaanka .

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *