Feisal Mohammed oo lagu soo eedeyay in u ka ganacsado foolasha maroodiga oo racfan qaadanayo

Feisal Mohamed oo ahaa ganacsadihi lagu soo eedeeyay in u ka macaashay ka ganacsiga foolasha maroodiga isla markaasina lagu riday xukun 20 sano ah ayaa waxa u hadda sheegay in u racfan ka qaadan doono xukunkaas oo u ku tilmaamay mid adag oo aan ahayn mid baniaadanimo.

Qareenada u doodayo ganacsadahan rer Mombasa ee kala ah Michael Oloo, Gikandi Ngibuini, Jared Magolo iyo Pascal Nabwana, ayaa waxa ay sheegen in ay aadi doonan maxkamada ugu sareyso dalka ee High Courtka si ay racfan uga soo qaatan xukunka lagu riday Feisal,ganacsadahan ayaa maalinta jimcada ahayd lagu riday xukun 20 sano ah isago sidoo kale lagu ganaaxay in u bixiyo lacag dhan 20 milyan oo shilinka dalka ah kadib marki lagu helay dambi ah in u heystay foolasha maroodiga oo qiimahooda lagu sheegay  in u ahaa 44 milyan oo shilinka dalka kuwaas oo u doonayay in u iibiyo.

Mohamed oo ay soo xireen booliska caalamiga ah ee Interpol kuwaas oo kusoo xiray magaalada daresalaam ee waddanka Tanzania biisha decembar ee sanadki 2014-ka ayaa waxa ay maxkamadda ku heshay dambi ah in u ka ganacsan jiray foolasha madooriga kuwaas oo mamnuuc ka ah dalka waxa sidoo kale laiska fasaxay afar eedeysane oo kale oo lala soo xiray kuwaas oo iyagana lagu eedeynaayay isla falkaasi ah ka ganacsiga foolasha maroodiga balse ugu dambeynti maxkamadda ayaa iska fasaxday kadib marki ay u weysay cadeymo ay u cuskan karto kiiskaasi lagu soo oogay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *