Marwada kowaad ee dalka Margaret Kenyatta oo qaadatay basaaboorka Pan African

Marwada 1-aad ee dalka ayaa waxa ay maanta kamid noqotay dadka kasoo jeedo qaaradan Africa oo fara ku tiriska ah kuwaas oo qaatay baasaboorka ay kuwada mideysanyihiin dadka ku dhaqan qaaradan kaas oo lagu baas mariyay shirki ugu dambeeyay oo ay lahaayen madaxda qaaradan Africa kaas oo ka qabsoomay magaala madaxda waddanka Rwanda ee Kigali waxana la sheegay in u baasaborkan u fududeyn doono isku socodka dadka ku dhaqan qaaradan isago isla markaasina kalin weyn ka qaadan doono kobaca dhaqaale ee waddamada qaarada Africa.

Mrs Margaret Kenyatta ayaa waxa baasaboorkan ay qaadatay maanta oo isnin ah xili ay waddanka Ethiopia magaala madaxdiisa ee Adis Ababa ay uga qeyb galeysay shirka 10-aad oo looga hadlaayay kansarka haweenka aasiiba isla markaasina ku dhaca qeybaha jirka sida Makanka iyo naasaha.

Mrs Margaret Kenyatta ayaa waxa si rasmi ah u gudoonsiiyay baasaboorkaasi kusimaha gudoomiyaha midowga Africa Erastus Mwencha waxana ilaa iyo hadda baasaboorkaas heysata tiro yar ee madaxda waddamada qeybta ka ah midowga Africa.

Dhinaca kale waxa ay marwada 1-aad ee dalka oo ay wehlinaayen afar qof oo kale oo ah saxibadeed ay booqatay isbitaalka Woreda 3 Health Centre oo kuyaala magaalada Kigali kaas oo ku takhasuusay daaweynta bukaanada kansarka oo ay kamid yihiin caruurta.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *