Moyes oo loo magacaabay tababaraha cusub ee kooxda Sunderland

Tababarihi hore ee kooxda Manchester United David Moyes ayaa waxa hadda si rasmi ah loogu magacaabay in u noqdo macaalinka lalinaayo kooxda Sunderland kadib marki u tababaraha kooxda Sunderland Sam Allardyce loo magacaabay in u qabto xilka Tababarenimo ee xulka Ingiriiska iyado oo u Roy Hodgson u isaga tagay shaqadiisa kadib marki xulkaasi u guuldaro xun ay kasoo gaartay ciyaaraha Yuroga ee sanadkan ka dhacaayay waddanka Faransiiska oo ugu dambeynti ay ku guuleysatay xulka Portugal.

53 jirkan ayaa waxa u shaqo laan ahaa tan iyo marki ay kooxda rer Spain ee Real Sociedad ay shaqada ka ceyrisay biisha Novembar ee sanadka tagay waxana u noqonaya macaalinka 4-aad ee xilkaas qabta mudo 3 sano ah iyado oo ay horey shaqadaas ay u soo qabteen macaalimiinta kala ah Gus Poyet,Dick Advocaat  iyo Sam Allardyce.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *