Tiro arday ah oo waaga ugu baryay saldhig boolis kadib markii scholkooda uu dab qabsaday

Tiro arday ah oo dhiganayay schoolka sare ee gabdhaha ee Ruiga ayaa lagu soo waramayaa in ay sexdeen saldhig boolis kadib markii dugisidooda uu xalay dab qabsaday.

Qaar kale oo katirsan ardaydaasi ayaa xaafadahooda u kacay halka kuwa  kalana ay qoxooti ku ahaayen saldhigasi.

Tani aya kadamabeysay kadib markii dugsigaasi uu dab qabsaday gaar ahaan qeybta jifka oo ay ardayda seexanayeen, qebyta kale ee  shaybarka ee loo yaqaano laboratory iyo goobta ay caruurta cunada ku cunaan.

Schoolkani ayaa la sheegay in ay dhigtaan ardyada tiradooda lagu qiyaasay 398 waxyna dhamaantood isaga bexeen dugsiga islamarkii uu dabka ka ka kacay.

OCPD-da bartaaha Imenti oo katirsan Countiga Meru oo ah goobta ay dhacdadani ka dhacday Boniface Lisiolo ayaa sheegay in ay kudaba jiraan arday la sheegay in ay ku carareen duurka iyadoo macalimiinta ay xiligaasi kugu jireen xakameynta dabkaasi.

Dugsiyada oo uu xale oo kali ah dabka ka kacay ayaa lagu soo waramaya in ay kor u dhaafayaan 3 school oo ay kamid yihiin Langta oo kuyaala Magaalada tan Nairobi oo ay 11 arday ah ku dhaawacmeen iyo mid kale oo ka kacay countiga Migori.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *