
Dowlada wadanka Turkiga ayaa maanta warqadii lagu soo xiri lahaa u jartay 42 wariye.
Dadkan amarka lagu bixiyay in la soo xiro ayaa waxaa ka mid ah Nazli Ilicak oo horay baarlamaanka uga tirsanaa.
Tan iyo markii howlgalada ay bilowdeen waxaa shaqada laga eryay,la xiray ama baaritaana ka dhan lagu talaaba qaaday dad ka badan 60,000 oo ruux oo isugu jiro ciidamo milatari, boolis, macalimiin iyo shaqaala dowladeed oo kale.
Maalintii sabtida ayey ahayd markii madaxweynah Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu sheegay in 13,000 ee la soo qabqabtay oo lala xiriirinayo in isku dayga afgambi ay ka qeyb qateen qiyaastii 6,000 xabsiga loo taxaabay.
Ilaa iyo hada 37,500 oo isugu jiro shaqaala dowladeed iyo ciidamada booliska aya shaqa joojin lagu sameyay.
Talaabadan aya qeyb ka ah howlgalada wadankaasi laga wado oo la bilaabay kadib iskudaygii afgambi ee dhicisoobay.
Wadamada galbeedka ayaa walaac ka muujiyay howlgalada halka ururrada rayidka iyo wadamada yurubka ee howlgaladan walaac ka muujiyay ay sheegayaan in madaxweyne Erdogaan uu u adeegsanyo si uu awoodiisa u sii xoojiyo.
Madaxa gudiga midowga Yurub ee EU-da Jean-Claude Juncker ayaa xusay in hadii dowlada Turkiga ay adeegsato xukunka dilka sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo afjarayo dadaalada ku aadan in EU-da ay ku biirto.
Ugu dambeyntina wasiirka arimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa telefishinka Haberturk TV usheegay in yurubka uunan Turkiga ugu goodin Karin xukunka dilka.