Chelsea oo qorsheyneyso in ay dalab lacageed ka gudbiso Joao Mario

Kooxda Chelsea ee u tababaraha u yahay macaalin Conte ayaa la sheegaya in ay diyaarineyso dalab lacageed oo ay dooneyso in ay ka gudbiso waxana dalabkaas lagu sheegay in u yahay 46 milyan oo ginni.

Xiddigan oo qab ciyaareed wanaagsan la soo baxay xiligi waddankiisa u ciyaaraha Yuroga ee sanadkan ka qabsoomaayay waddanka Faransiiska uu uga qeyb galaayay ayaa waxa u soo jiitay indhaha tababare Conte oo xiligaas laalinaayay xulka Taliyaaniga.

Waxana wararka sheegaya dalabka ay Chelsea ka gudbisay laacibkan 23 sano jirka ah ee rer Portugal laga soo xigtay jariirada The Sun waxana ay wararka intaas ku daraayan in ay kooxdan loolan adag la gali doonta kooxda Manchester United si ay u hesho saxiixa xiddigan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *