Howlgal ka dhan ah darawaliinta ku xadgudbayo shurrucda wadoyinka oo maalintii labaad galay

Howlgal balaaran oo lagula tacaalayo darawaliinta ka talaabsada shuruucda wadooyinka loo dajiyay oo  maalintii shalay ka qabsoomay guud ahaan dalkani Kenya ayaa lagu soo qabqabtay in ka badan 150 darawaliin ah.

Darawaliinta ayaa ah kuwo dhamaantood ka howlgalo gudaha caasimada Nairobi.

Maamulka qaran ee   gaadiidga   iyo  badqabdka  ee   loo soo gaabiyo NTSA ayaa shalay bilaabay howlgalkan oo sido kale gacanta lagu dhigayo baabuurta aynan tayadoodu wanagsaneyn ee wadooyinka lagu ka xeynayo.

Sida u amar ku bixiyay abaanduulaha guud ee booliska joseph Boinnet darawaliinta anan u hoggaansamin shuruucda wadooyinka ayaa xabsiga loo taxaabaya,  kadibna maxkamadda la hor geynaya si dacwad loogu soo oogo.

Joseph  Boinnet ayaa darawaliinta u digay  isagoo sheegay cid howlgalkan ka badbadeyso in aynan jirin xita darawaliinta wada gawaarida dowlada .

Nooca baabuurta ee loo yaqaano Matatu-da oo inta badan lagu eedeyo in ay ku xadgudbaan xeerarka wadooyinka ayaa si gaar ah howlgalkan loogu bartilmaamedsanaya.

Ugu dambeyntina maamulka NTSA  ayaa sheegay in shilalka sara u sii kaca ay keentay  in si weyn looga talaabsado shuruucda wadooyinka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

1 thought on “Howlgal ka dhan ah darawaliinta ku xadgudbayo shurrucda wadoyinka oo maalintii labaad galay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *