Isbahaysiyada siyaasadeed ee Jubilee iyo Cord oo ku gacan seyray in doorashada guud dib loo dhigo

Iyada oo la qorsheeyay in doorashada guud ee soo socoto ay dalka ka dhacdo 8-da bisha August sanada 2017-ka ayaa waxa hada isbahaysiyada siyaasadeed ay ku gacan seyren xeer ilaaliyaha guud Prof Githu Muigai oo soo jeediyay in xiliga doorashada dib loo dhigo.

Todobaadki la soo dhaafay ayuu  Githu Muigai soo jeediyay arrintan isaga  oo hortagay gudiga laba geesoodka ah ee baaritaanada ku sameynayo gudiga doorashooyinka iyo xuduudaha ee IEBC.

Prof Githu Muigai ayaa xusay hadii saraakiisha IEBC shaqada laga tiro waa in xiliga doorashada la durjiyo maadama sida uu hadalka u dhigay gudiga xiga ee la soo magacaabo ay helayaan fursad buxda oo ay isku diyaarin karaan.

Gudoomiyaha golaha ay ku bahoobeen gavanarada dalka Peter Munya  iyo  Otiende Amollo oo ah gudoomiyaha gudiga  cadaalada ee loo yaqaano Ombudsman  ayaa sido kale soo jeediyay in taarikhda doorashada guud la qabanayo dib loo dhigo.

Hoggaamiyaha aqlabiyada baarlamaanka mudane Aden Bare Ducale aya uga digay  in gudiga laba geesodka ah ay arrintan ku dhaqaqaan  isagoo xusay in isbahaysiga Jubilee unan ogolaaneynin in xita hal saac lagu daro xiliga la qorsheeyay iskaba daaf hal maalin.

Ducale oo hadalka ka soo yeeray xeer ilaaliyaha guud ku  tilmaamay mid  anan macquul ahayn ayaa sheegay waa in dastuurka la raaco.

Dhanka kale Norman Magaya oo cord matalayay ayaa sheegay in hadii saraakiisha gudiga IEBC la bedelo aynan sameyneynin xiliga doorashada.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

1 thought on “Isbahaysiyada siyaasadeed ee Jubilee iyo Cord oo ku gacan seyray in doorashada guud dib loo dhigo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *