Koffi Olomide oo xirig hal sano laga xukumay

Wararka inaga soo gaaraya magaala madaxda waddanka Congo ee Kinshasa ayaa sheegaya in Fananka u dhashay waddankaas ee Koffi Olomide lagu xukumay xukun hal sano ah oo u ku qaadan doono xabsiga waxana ay tan ka dambeysay kadib marki u weerar ku qaaday haween kamid ah ahayd haweenada u ciyaara taas oo lagu magacaabo Pamela xiliyada u sameeyo bandhig faneedyada waxana isago laga soo qabtay gurigiisa ku yaala magaalada Kinshasa ee waddanka Congo.

Olomide oo lagu helay dacwada lagu soo oogay ayay maxkamadda ku xukuntay in u xabsiga ku qaato hal sano Olomide balse waxa xukun maxkamadda ay ku riday fanankaas gaashanka u daruuray qareenkiisa George Wajackoyah kaas oo ku eedeyay booliska in ay olomide u la dhaqmeen si aan baniaadanimada ku dheehnayn.

Fanankan oo adeegasanaayay barta u Fasebuuga ku leeyahay ayaa waxa u raali galin ka bixiyay dhacdadi u weerarka ugu geeystay Pamela taas oo ka dhacday garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha ee JKIA.

Olomide ayaa waxa dalka laga talxiiray kadib dhacdadan isago hal habeen ku qaatay saldhig boolis ee kuyaala magaaladatan Nairobi waxana dalkiisa hooyo ee Congo ku celisay diyaarad ay leedahay shirkada diyaaradaha ee Kenya Airways.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *