Mid kamid ah sarkaaladii lala xiriiriyay dilkii Willy Kimani oo wajahaya dacwad kale oo dil ah

Mid kamid ah afar sarkaal oo katirsan Ciidamada Booliska oo lala xiriirinayo dilkii loo gestay qareen Willy Kimani ninkii uu u doodayay iyo darawalkoodi ayaa hadda wajahayo dacwad kale oo sidoo kale la xiriirta toogasha uu horay u gestay.

Baarayaasha hadda gacanta kula jira dacwadaha afartaasi qof ayaa sheegaya in ay hayaan cadeymo buxda oo in sarkaalkaasi u toogasha bareer ah fuliyay 2 bishii June ee isla sanadkan 2016-ka.

Sida laga soo xigtay baarayaasha, eedeysanahaasi ayaa wax walbo sameeyay sidii uu u qarin lahaa cadeymaha muujinaya in uu gestay falkaasi dilka ah isagoo rifay mise dilaaciyay qeyb kamid ah booga diiwan galinta ee saldhigyada booliska yaala kuwaas oo intabadan lagu qoro macluumad la xiriira qofka la soo xiray.

Waxaa lagu soo waramayaa in meydka ninka la dilay laga helay saldhiga booliska Kumulu ka hor inta aan la dilin oo ay meydkiisa soo qaadin ciidamo katirsan booliska kuwa loo yaqaano AP-da.

Sida laga doonayo ciidanka booliska ayaa ah in qofka ay soo qabtaan ay ka qoraan dhamaan macluumadka qofkaasi taas oo tuseyso magaca qofka la soo xiray iyo eedeymaha lagu soo xireyba.

Ninka la dilay ayaa la sheegay in ay soo qabteen laba ciidan oo katirsaneed kuwa AP-da kuwaas oo ku xiray saldhiga booliska Syokimau ka hor inta loo wareejinin saldhiga kale ee Kamulu.

Tan ayaa imaaneysa iyadoo afartaas sarkaal ay ku socoto dacwadaha Willy Kimani, ninkii uu u doodayay iyo Joseph Mwuiruri oo ah darawalkooda oo meydadkooda laga helay webi kuyaalo Machakos iyadoo markii horana ay ku jireen gacanta booliska.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *