Rieck Machar oo laga qaaday Xilki Madaxweyne Kuxigeen ee dalka Konfurta Sudan

Iyadoo maalimihii u dambeeyayba dalka Konfurta Sudan ay ka socdeen dagaalo Xoogan oo ay u dhaxeeyen ciidamo kala taabacsan Madaxweynaha dalkaasi Salva Kiir iyo kuxigenkiisa hore Rieck Machar ayaa hadda waxaa lagu soo waramayaa in xilki madaxwene Kuxigeen laga qaaday Machar.

Hogaamiyahaasi mucaaradka dalka South Sudan, Riek Machar, oo horay u saxiixay heshiiskii nabadda ee uu la galay Madaxweyne Salva Kiir, ayaa xil ka qaadistiisa waxaa loo sababeeyay kaddib markii u kala diray xisbigiisa.

Riek Machar, waxaa lagu badelay, Taban Deng Guy, oo ahaa madaxii wafdigii mucaaradka uga qayb galay wada xaajoodyadii nabadda, kaasi oo loo caleema saarayba inuu yahay gudoomiyaha xisbiga.

Riek Machar ayaa isaga baxay magaalada caasimadda ah ee Juba, kaddib dagaal culus oo dhexmaray ciidammadiisa iyo kuwa taageersan madaxweynaha.

Madaxweyne kuxigenkii hore ayaa gebi ahaanbo diiday in uu kusii nagaado caasimada dalkaasi waxana uu sheegay in uu ku soo laabanayo magaalada ilaa inta ciidan nabad ilaalin ah oo dhax dhaxaad ah la keenayo Jubba.

Taageerayaashiisa ayaa si adag oga soo horjestay talaabada u qaaday Rieck waxayna ku tilmaamen mid aan sharciga waafaqsaneen waxayna sheegen in arintaasi aysan intabadan go’ansanin hoggaamiyayasha mucaradka.

Waxaa hadda markale laga cabsi qabaa in south Sudan ay lugaha la gasho dagaalo hadii tageerayaasha Machar yiraahdaan heshiiskii nabadeed wuu burburay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *