Stoke City oo la soo wareegtay da yar u dhashay waddanka Egypt

Kooxda Stoke City ee ka dhisan waddanka Ingiriiska kuna dheesho garoonka Britania ayaa waxa ay hadda shacisay in ay la soo wareegtay laacibka rer Egypt ee lagu magacaabo Ramadan Sobhi kaas oo ay kasoo iibsatay kooxda ka dheesho horyalka dalka Egypt ee Al Ahly waxana ay kusoo iibsatay lacag lagu sheegay qiimaheeda 5 milyan oo ginni.

Xiddigan ayaa waxa uu u saftay kulankiisa ugu horeeyay abid kooxda Al Ahly isago 16 sano jir ah waxana u isku dar dar ahaan uu u dheelay kooxdan rer Egypt 71 kulan isagona kula guuleystay 2 horyal.

Dhinaca kale kooxdan ayaa laga yaaba in ay saxiixeeda labada ee xagaagan u noqdo ciyaaryahanka u dhashay waddanka Welsh uuna dheela kooxda Liverpool Joe Allen kaas oo lagu soo waramaya in u hadda tijaabo caafimad uu u marayo kooxdaas waxana laacibkan laga yaaba in Stoke City ay kula soo wareegto 13 milyan oo ginni iyado oo u qandaraaskiisa ka harsan yahay oo kaliya 1 sano.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *