Wakiilada baarlamaanada hoose ee countiyada oo doonaya in doorashada guud dib loo dhigo

Xubnaha  golaha baarlamaanada  maamul goboleedyada dalka iyo afhayeenadooda  ayaa doonaya in doorashada  guud  ay dhacdo bisha sedexaad ee sanada 2018-ka.

Wakiilo xubnahan matalayay ayaa arintan ay soo jeediyeen usheegay gudiga labageesoodka ah ee isbeheysiga Jubilee iyo cord umatalaya wadahadalada ku saabsan gudiga doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC.

Wakiiladan ayaa xusay  in arimaha ay ku doodayan ay yihiin kuwo ku saleysan sida dastuurka dalka ay iyagu u fasiranayaan.

Stephen Ngelu oo isaga oo xubnahan wakiil ka ah hadlay ayaa sheegay in sido kale  arimaha ay soo jeedinayaan ay yihiin  kuwo ku  saleysan dacwada ay maxkamadda geyeen.

Xildhibaanada gudigan ayaa si weyn uga soo horjeestay  qodobada ay wakiilada  soo jeediyeen  iyaga oo sheegay in sida ay dastuurka u fasireen ay tahay mid qaldan oo shacabka marin habaabineysa.

Wakiiladan ayaa dhanka kale lagu eedeyay in ay yihin kuwo danahooda gaarka ah keli tixgelinaya.

Xildibaanka laga soo doortay degaanka koonfurta Gatundu Moses Kuria   oo xubin ka ah gudiga ayaa sheegay in taarikhda la qorsheeyay in doorashada guud la qabto in anan la badeleynin.

Senetarka countiga  Makueni Mutula Kilonzo Junior ayaa dhankiisu sheegay  in sida maxkamadda ugu sareysa dalka ee Supreme court ay bishii Disembar go’aamisay  dadkii la soo doortay sanadii 2013-kii lagu wargeliyay in xilalkooda aynan heyneynin 5 sano oo dhameystiran.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

1 thought on “Wakiilada baarlamaanada hoose ee countiyada oo doonaya in doorashada guud dib loo dhigo

  1. Wa Sacid Khalif joga mandera waxan dhihi is qab qabsi wuxu taro maleh waxan ku talin laha in hogamiyashu tashtan go’an qatan 2da dhinac ba (CORD ND JUBILEE) kenyank

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *