42,000 oo Kenyaan ah oo ku dhaqan dhadhaab oo la sheegay in ay qaxooti been abuur ah yihiin

Hay’adda qaramada midoobay ayaa sheegtay in qiyaastii 42,000  oo kenyaan ah kuwaas oo ku dhaqan xeryaha qaxootiga ee dhadhaab ay isku ekeysiinayaan qaxootiga.

Dhamaadka sanadkan ayaa lagu wadaa in kenyaankan la mariyo geediscodka daadgureynta  si loo yareeyo tirada dadka ku dhaqan dhadhaab.

Dabayaaqada sanadkan ayey qaramada midoobay qorsheysay in tirada dadka ku dhaqan xeryaha dhadhaab lagu soo reebo 193,000  halka hada ay yihiin 343,000  oo ruux.

Duke Mwancha oo ah afhayeenka hay’adda qaxootiga qaabilsan ee UNHCR ayaa sheegay in ay ka warqabaan in ay jiraan kenyaan  qaxooti ahaan isku diiwan gelinayo si ay  u helaan adeegyada iyo cunada la qeybiyo.

Dowlada dalkani Kenya ayaa bishi May ee sanadkan ku dhawaaqday in xeryaha qaxootiga  la xiro sababo amni awgood.

Afhayeenka oo isdiiwaangelinta ku tilmaamay mid been abuur ah ayaa ka dhawaajiyay in  dhamaadka sanada 2017-ka ilaa iyo sanada 2018-ka   ay qiyaasayaan in 170,000 oo dhadhaab ku nool ay si iskooda ah dib ugu laabtaan soomaaliya.

Ugu dambeyntina  qaxooti soomaaliyeed oo gaaraya 17,000 oo ruux ayaa ilaa iyo hada   dalkooda hooyo dib ugu laabtay sida ay sheegtay hay’adda UNHCR.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *