Ciidamada Konfurta Sudan oo eedeyn dusha looga tuuray

Kooxda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegaysa in ciidammada dowladda South Sudan ay dileen, kufsadeen oo ay afduubeen dad rayid ah, iyagoo ku xadgudbaya heshiiska nabadda.

Warbixinta ayaa waxa ay tilmaamaysa in arrimahaasi ay dhaceen intii u dhaxaysay bilihii Agoosto iyo Diseembar ee 2015, xiligaas oo tuulooyin dab la qabadsiiyay.

Warbixintu waxay tilmaantay dhibaatada dadka South Sudan u soo gaadha qof iyo tuulooyin dhanba.

Amnesty waxay sheegtay inay waraysatay markhaatiyaal isugu jiro wariyaal, shacabka rag iyo dumarba leh oo goob jog u ahaa falalkaasi ay gesteen ciidamada.

Waxa kale oo la sheegay in carruur iyo dad waayeel nolol lagu gubay oo gabdho iyo haween si is dabajoog ah loo kufsaday.

Markhaatiyaashu waxay sheegeen in dableyda weerarkan fuliyay ay xidhnaayeen dirayska ciidanka.

Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa hore ugu eedaysay ciidanka South Sudan iyo maleeshiyaadka taabacsan ku xad gudubka xuquuqda aadanaha, laakiin dowladdu waxay beenisay in ciidamadeedu lug ku leeyihiin dadkaa la laayay.

Tan iyo markii uu bilowday dagaalka sokeeye laba sana ka hor, in ka badan laba milyan oo qof ayaa South Sudan isaga qaxay guryahooda.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *