Dhalinyarada galbeedka countiga wajeer oo dhaliil u jeediyay maamulka gavana Axmad Cabdullahi.

Dhalinyarada   ku dhaqan galbeedka countiga wajeer gaar ahaana arbajaan ward ayaa cabasho ka muujiyay   sinaan laan ay sheegen in ay ka jirto dhanka bixinta qandaraaska.

Dadaalka wariyaheena ka dib ayaan ,Yaxye Dahiye oo ah agaasimaha warbaahinta u qaabilsan countiga Wajeer la xiriirnay  waxaa uuna ka gaabsaday in uu cabashadan xili xaadirkan ka jawaabo.

Shalay oo ay  dhalinyaradan   cabashada jeedinayeen ayuu gavanaha countiga Wajeer  Axmad cabdullahi hortagay gudiga aqalka senetka ee  la xisaabtanka akoontiyada dadweynaha iyo maalgashiga ee maamul goboledyada.

Gavanaha ayaa suaalo laga weydiiyay in uu faafahin ka bixiyo sida maamul goboleedka uu  hogaamiyo uu  qandaraasleey anan shaqadii loo wakiishay  si buuxda u dhameystirin uu usiiyay shahaadada muujineysa in howsha la dhameystiray.

Gavanaha ayaa la weydiyay sababta maamulkiisa uu uga talabsaday shurrucda  ah in qofka anan  shahaadadas  la siin Karin iyada oo shaqada  uu qabtay aynan gaarsiinaneyn tayadii la rabay.

Mashaariicdan oo isugu jiray in la deero, dayac tirna lagu sameyo xafiisyada , dhisida baraza park iyo dhanka wadooyinka.

Senetarka maamul goboledka kiambu  Kimani wamatangi ayaa gavanaha weydiiyay sida arintan ay ku suurta gashay.

Gavanaha ayaa dhankiisa ku jawaabay in ay suurta gal tahay in sarakiishiisa ay qalad sameyeen.

Qandaraaskan ayaa la sheegay in  loo adeegsaday lacag dhan 52 milyan oo shilinka dalka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *