Higuain oo si rasmi ah ugu biiray kooxda Juventus

Laacibka u dhashay waddanka Argentina uuna dheeli jiray kooxda Napoli ayaa waxa ay hadda kooxda heysata horyalka Taliyaniga ee Serie A ay shaacisay in ay la soo wareegtay iyado intaas racisay in ay xiddigan ka bixisay adduun lacageed oo dhan 75.3 milyan oo ginni.

28 sano jirkan ayaa waxa u qalinka ku duugay heshiis shan sano ah kaas oo u ku joogi doono kooxdaasi ilaa iyo xagaaga sanada 2021-ka waxana u noqonaya ciyaaryahanka 3-aad ee qiima aad u sareeya lagu iibsaday tarikhda kubada cagta.

Laacibkan ayaa waxa u ku biiray kooxda Napoli sanadi 2013-ka kadib marki ay kooxdaasi ka bixisay lacag dhan 34.5 milyan oo ginni waxana si aad ah loola xiriirinaayay in u ku biiro kooxda ka dhisan magaalada London ee Arsenal horanti biishan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *