Hoggaamiyaasha kooxda MRC oo soo dhaweeyay go’aan kasoo baxay maxkamadda

Masuuliyiinta kooxda MRC ee ka howlgasha magaalo xeebeedka Mombasa ayaa si weyn u soo dhaweeyay amarkii dhawaan kasoo baxay maxkamadda racfaanka ee ahaa in la soo afjaro mamnuucidda lagu sameeyay dhaqdhaqaaqyada kooxdaasi.

Saraakiisha MRC ayaa sidoo kale ku adkeystay in ay ku taagnaan doonaan mowqifkooda ku aadan in Mombasa ay noqoto gobol ka madax bannaan  Kenya inteeda kale.

Ku xigeenka afhayeenka kooxdan Richard Lewa ayaa sheegay in MRC aysan wali waxba ka badalin halku dhigeedi ahaa  “Pwani si Kenya” oo micneheedu yahay gobolka xeebta kama tirsana Kenya.

Dhanka kale waxa ay saraakiisha kooxdan gooni isu taaga u ololeyneysa beeniyeen in ay wax xiriir ah la leeyihiin xisbiyo siyaasadeed dalka ka jira.

Hoggaamiyaashan ayaa dalbaday in si dhaqso ah loo billaabo wada xaajoodyo ku saabsan arrintaan oo ay la galaan masuuliyiinta dowladda.

Muddo sanad ka hor ah ayay dowladda Kenya xayiraad kusoo rogtay dhaqdhaqaaqyada kooxda MRC oo lagu eedeeyay in qalalaase ka abuureyso gudaha dalka.

 

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *