Maamulyaasha dugsiyada oo sheegay in dugsiyada la gubayo ay ku lug leeyihiin dadka qishka imtixaanada ka shaqeysta

Maamulayaasha dugsiyada sare ee maamul goboleedka Kwale  ayaa sheegay in dhacdooyinka dugsiyada dab lagu qabadsiinayo ee isa soo tarayo ay ku lug leeyihiin dadka  ka macaasha xatooyada imtixaanada qaran.

In kasta oo countiga Kwale anan dugsi lagu gubin  barayaashan ayaa maanta kulan ku yeeshay  dugisiga sare ee gabdhaha ee Matuga  si loo ogaado sababaha ay ardayda falkan u geysanayaan.

Festus Sombo oo ah gudoomiyaha ururka ay ku bahoobeen maamulyaasha dugsiyada sare ee Kwale  oo warbaahinta la hadlay ayaa xusay in sida dadka musuqmaasuqa sameyaan ay talaaba u qadaan waxaa suurta gal ah in dadka ka shaqeysta qishka imtixaanada  ay maalgelinyaan falalka dugsiyada lagu gubayo.

Dowlada ayuu  mr sombo ka dalbaday in ay baritaano wax ku ool ah sameyso si cida ku lug leh xabsiga loogu taxaabo.

Si dhibaatadan wax looga qabto ayeey maamulyaasha soo jeediyeen in ardayda si toos ah looga wareysto sababta keentay in ay dugsiyada gubaan oona loo  sameeyo qaab  ay cabashooyinkooda ku gudbin karaan.

Kulanka maamulyaasha ayaa ku soo begmaya iyada oo maanta dab la  qabadsiiyay dugsiga sare ee wiilasha ee Nyahururu   oo ku yaala maamul goboleedka Nyandarua .

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *