
Iyadoo wali ay isa sii tarayaan dugsiyada u dabka ka kacayo ayaa waxaa xalay oo kali ah la soo tabiyay in shan school ay gubteen taas oo sare u sii qaadeyso tirada dugsiyada gubanayo guud ahaan dalka.
Dugsiyada oo u intabadan dab ka kacay qeybaha jiifka oo ay ardayda sexdaan ayaa xalay schoolada u saameyay musiibadaasi waxaa kamid ah Giakaibii High oo kuyaalo Countiga Nyeri, Merti Muslim Girls Secondary Isiolo, Adega Mixed Secondary in Homa Bay, St Stephen Secondary,Narok iyo St Patrick’s School Iten,Elgeyo-Marakwet.
Dhanka kale shalay oo talaada ahayd 13 arday oo dhiganayay schoolka Langata oo laba maalin ka hor dab ka kacay ayaa hadda lagu sii hayn doona xabsiga kadib markii xaakinka maxkamada kasoo hormuqdeen islamarkaana xaakinka maxkamadaasi u amray in 10 maalin ku sii jiraan Kamiti si baaritanka loogu hayo loo soo gabagabeeyo.
Shalay ayay ahayd markii sedex school oo kuyaalo Nyeri albaabada loo laabay kadib qorsha ay ardayda ku doonayeen in ay dugsiyadaas ku gubaan ay soo ifbaxday.
Tani ayaa imaaneysaa iyado wali saraakiisha dowlada ee daneeya waxbarashada ay ku kala aragti duban yihiin sidii loo wajihi lahaa talaabooyinka ay ardaydooda dabka ku qabadsiinayaan dugsiyadooda.
Bishii aynu soo dhafnay oo kali tirada dugsiyada u dabka qabsaday ayaa kor u dhaafeysa 100 school waxana jiro ardadya loo soo qabtay falalkaasi oo la horkeenay Maxkamada wallow ay beeniyeen dacwadaha lagu soo oogay.
ardaydaa waxay tabanaso hala siyo hadi kala dhibku waa uu sii siyaadii