Xildhibaan Opiyo Wandayi oo loo ogolaaday in u ka qeybgalo Kalfadhiyada barlamaanka

Xildhibaan Opiyo wandayi oo laga soo dortay degmada Ugunja ayaa shalay oo talaada ahayd loo ogolaaday in uu ka qeyb galo kalfadhiyada barlamaanka kadib markii in muddo ah uu ka maqnaa.

Opiyo ayaa 31-kii bishii may ee sanadkan laga ganaaxay kalfadhiyada barlamaanka kadib markii uu carqaladeeyay khudbadii madaxweynaha uu xiligaasi ka jeedinayay aqalka barlamaanka.

Afhayeenka barlamaanka Justin Muturi ayaa go’anka oo uu xildhibaankaasi oga ganaaxay aqalka barlamaanka qaatay kadib markii mudanahaasi iyo qaar kamid ah xildhibaano katirsan isbahayasiga Cord ay ku fooriyeen Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Mr Opiyo oo lagu amray in uu kasoo hormuqanin barlamaanka muddo 9 bilood ah ayaa marki dambe u kacay maxkamada si u oga soo horjesto goankaasi kasoo baxay afhayeenka barlamaanka.

Mudanayaashii kale ee laga saaray barlamaanka kadib markii muddo 30 daqiiqo ah ay carqaladeeyen khubadii qaran ee Uhuru uu u jeedinayay qaranka ayaa waxaa kamid ah Tom Joseph Kajwang (Ruaraka), Gladys Wanga (Homabay), John Mbadi (Suba), Fred Outa (Nyando), Simba Arati (Dagoretti North), Millie Odhiambo (Mbita) iyo Senator Moses Kajwang.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *