Barcelona oo la soo wareegtay Andre Gomes

Barcelona ayaa waxa ay la soo wareegtay  laacibka khadka dhexe uga dheeli jiray kooxda Valencia Andre Gomes waxana ay kula soo wareegtay lacag lagu sheegay in ay dhan tahay 29.3 milyan oo ginni waxana 22 sano jirkan u kusoo biiraya kooxda rer Katalunya ee Barcelona kadib marki u kalin libax leh ka qaatay in xulkiisa u ku guuleysto koobka Yuroga ee sanadkan ka qabsoomay waddanka Faransiiska oo ay xulkiisa 1 iyo eber kaga adkaadeen xulka martigalinaayay ciyaarahan ee France waxana u noqonaya ciyaaryahanka 4-aad oo ay kooxdaas la soo wareegto iyado horey ay u soo iibsatay ciyaaryahanada kala ah Lucas Digne,Samuel Umtiti Iyo Dennis Suarez.

Dhinaca kale waxa ay kooxdan heshiis u kor dhisay Laacibka rer Argentina ee Javier Mascherano oo qalinka ku duugay heshiis cusub oo 3 sano ah waxana 32 sano jirkan u Barcelona u dheelay 247 kulan tan iyo marki ay kooxdaasi ka soo iibsatay Liverpool sanadka 2010-ka waxana u kula guuleystay 4 horyaal oo ah kuwa laaligaha iyo laba koob oo ah kuwa Champions Liiga.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *