Booliska oo toogasho ku dilay 4 qof oo burcadnimo lagu tuhmay

Ciidamada amaanka ee ka howl gala magaalada tan Nairobi ayaa howlgallo kala duwan oo ay fuliyeen ku dilay ilaa 4 qof oo lagu tuhmay burcadnimo.

Burcadda ay booliska toogasha ku dileen ayaa ku guda jiray falal dambiyeedyo isugu jira dhac iyo waxyeeleynta bulshada xili ay muddooyinkii dambe ciidanka amaanka sare u qaadeen dhaqdhaqaaqyada ka dhanka ah burcadda.

Saraakiisha booliska ayaa sheegay in 2 ka mid ah burcadda ay toogasho ku dileen ciidanka halka 2-da kalena ay ku dhinteen gacanta dad shacab ah oo isugu tagay.

2-da nin ee ay dadweynaha dileen ayaa xiligaas isku dayay in ay dhac u geystaan mootooyin fara badan.

Booliska ayaa bastoolad ka helay mid ka mid ah burcadda ay toogashada ku dileen oo ku sugnaa wadada Juja Rad ee magaalada tan Nairobi.

Laamaha amaanka ayaa mudooyinkaan gacan bir ah ku wajahayay dadka fuliya falalka amaan daradda ah iyadoo shacabkana uga digay in ay gacantooda ku dilaan burcadda la tuhmo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *