Cudurka Cagarshowga oo la sheegay in ay u dhintaan tiro ka badan kuwa u dhinta xanuunada halista ah oo uu kamid yahay AIDS-ka

Iyadoo maanta taariikhdu ku beegan tahay 28-ka July maalinta Hay’adda caafimaadka Aduunka ee WHO u aqoonsatay maalinta loo asteeyey ka hortaga cudurka Cagaarshowga ayaa dhaqaatiirta caalamka waxay uga digayaan bulshada qatarta u cudurkaas leeyahay iyo saameynta caafimaadka uu qofka ku yeesho.

Xanuunkan oo loo yaqaano Hepatitis islamarkaana soomalida ay u yiqaanaan Cagarshowga ayaa la sheegay in ay u dhintaan tiro ka badan kuwa u dhinta xanuunada halista ah sida HIV-AIDS-ka, qaaxada, Malaariyada iyo  dadka ku dhinta wadooyinka.

Cudurkan ayaa lagu soo waramaya in guud ahaan caalamka ay ugu geeriyooden 1.5 Milyan oo qof taas oo sida la sheegay la rumeysan yahay in ay la siman tahay mise kabadan tahayba marka laisku darro dadka u dhintay cudurada kale ee halista ah, sidaasina waxa sheegtay hay’ada caafimadka aduunka ee WHO.

Warbixinta ay soo sartay WHO ayaa lagu sheegay in 20-ki qofbo mid kamid ah uu og yahay in uu qabo cudurka halka 100-kii qofna mid kamid ah laga daaweeyo.

Agaasimaha guud ee hay’ada WHO Margaret Chan ayaa sheegtay in cudurkan uu si xowli ah u socdo islamarkaana uu fara ba’an kuhayo caalamka iyadoo ay jiraan talaal iyo daaweyn looga hortagi karo.

Cudurka cagaarshowga ayaa waxa keena feyrusyo kala duwan kuwaas oo burbur iyo dhaawac u gesto unugyada beerka (Hepatitis), feyrusyadaas ayaa waxaa kamid ah Virus A, B, C oo ah kuwa ugu badan iyo sidoo kale D, E.

Cagaarshowgu ayaa la sheegay in goobaha laga qaado ay tahay goobaha nadaafadoodu hooseyso oo ay dad badan ku noolyihiin sida xeryooyinka qoxootiga ah Feyruska ayaa waxa uu soo raacaa saxarada, waxana gudbiya gacmaha ka dib marka la cuno cunto, khudrad, miro oo aan si fiican loo nadiifin iyo marka la cabo biyo aan nadiif ahayn oo jeermiga ku jiro.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

1 thought on “Cudurka Cagarshowga oo la sheegay in ay u dhintaan tiro ka badan kuwa u dhinta xanuunada halista ah oo uu kamid yahay AIDS-ka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *