Gudoomiyaha gudiga EACC oo cadaadis lagu saraayo in xilka u dhinac uga istaago

Waxa cadaasi xoogan la saraya gudoomiyaha gudiga la dagaalanka musuq maasuqa ee magacooda loo soo gaabiyo EACC Philip Kinisu kadib markii lagu eedeeyay in wax isdaba marin oo u sameeyay.

Xildhibaanka degmada Nandi Hills Alfred Keter ayaa ugu baaqay Mr Kinisu in u xilka dhinac uga istaago si turxaan bixin loogu sameeyo shaqada u madaxa u yahay ee eedeymaha loo jeedinayo.

Mas’uulkan ayaa eedeymaha loo jeedinayo waxay la xiriita shirkadda ay qoykiisa leeyihiin oo ay waaxda qaran ee adeega dhalinyarada ee NYS-ta sii say qandaraas Malaayin shilin ku kakacayey.

Keter ayaa sheegay in sida gudigan loo maamulayo aysan ahayn qaab gebi ahaanbo dadweynaha ay ku kalsoni qabi karaan hadii la doonayo in la helo dal laga cirib tiray arimaha musuq maasuqa oo xidida ku yeeshay laamaha kala duban ee dowlada.

Keter ayaa is weydiyay hadii Mas’uuliyiinta EACC oo la doonayay in ay la dagaalan musuq maasuqa hadda dhankooda lagu eedeynayo in wax isdaba marin ay sameeyen qaabka ay ugu suurta gali doonto in hay’adaha kale ay musuq maasuqa ka baaran.

Isniinti aynu soo dhafnay ayay ahayd markii Philip Kinisu u hortagay xafiiska waxda dambi barista ee CID-da si su’alo arrintaas la xiriirta wax looga weydiyo.

Su’aalahaasi oo qaatay muddo laba saacadood ah ayaa markii u soo baxay Mas’uulkaasi waxa u diiday in u wax fahfaahin warbaahinta la qeybsado sida ay wax u dhaceen.

Sarkaalkan ayaa laga doonayaa in uu sharaxaad ka bixiyo shirkadda lagu magacaabo Esaki Limited sida ay ugu guulesatay in la siiyo qandaraaskaasi.

 

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

1 thought on “Gudoomiyaha gudiga EACC oo cadaadis lagu saraayo in xilka u dhinac uga istaago

  1. waa ariin layaab leh qof asiga lo hasto inu musuqmaasuq lugaha kula jiro o hadana la leeyahay waa hogamiya la dirira musuqa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *