Kenya oo ku baaqday in ganacsiga foolasha maroodiga xayiraad xoogan la saaro

Baaqa dowlada dalkani Kenya eeku aadan in la sii xoojiyo xayiraada la saaray ka ganacsiga foolasha maroodiga ayaa la filaya in lagu  talaaba qaado bisha sebtembar ee sanadkan.

Warbixin maanta la soo saaray ayaa lagu sheegay in u gaarsiga maroodiga ku nool qaarada Afrika si looga ganacsado foolashiisa u hoos u dhac ku yimid basle ay weli jirto.

Ugaarsigan sharci darada ah ayaa la aaminsanyahay in ay hoos u dhigeen  xirfadaha teknolojiyeed ee la adeegsanyo, xarumaha lagu xananeeyo duurjoogta oo si weyn loo ilaaliyo iyo dalka shiinaha oo foolasha maroodiga loo dhoofiyo oo  dagaal kula jira musuqmaasuqa.

Hay’adda  caalamiga ah ee qaabilsan ka ganacsiga  xawayaanka la  sheego in ay sii dabar go’ayaan  ee magaceedu loo soo gaabiyo CITES ayaa warbixintan soo saartay.

John Scanlon oo ah xoghayaha guud ee hay’addan ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in rajada ayan xumeyn balse anan weli guul la gaarin.

Hay’adda ayaa warbixinteeda  ku xustay in boqolkiba 60 maroodiga meydadkoodu la helay sanadii 2015-kii ay ahayeen kuwo la dilay.

Tiradan ayaa la sheegaya in ay ka hooseysay midi la diiwaan geliyay 2011-kii oo lagu qiyaasay boqolkiba 80.

Ganacsiga ka dhan ah foolasha maroodiga  ayaa la mamnuucay sanadii 1989-kii.

Ugu dambeyntina  qaarada Afrika ayaa waxaa hada ku nool maroodi dhan 500,000  halka todobaatameyadii ay ahayeen 1.2 milyan oo maroodi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *