Kooxo hubeysan oo burburiyay xarun isgaarsiineed oo ku taalla Mandera

Dabley la tuhunsanyahay in ay ka tirsanyihiin al shabab ayaa weerar ku qaaday isla markaana bur buriyay anteenno weyn oo ay leedahay shirkad isgaarsiineed.

Birtaasi la burburiyay ayaa ku taalay magaalada Fino ee ka tirsan degmada Lafey ee maamul goboleedka Mandera.

Taliyaha ciidamada booliska ee degmada Lafey Bosita Omukolongolo ayaa sheegay in weerarkaasi u dhacay xalay abaare 2:00 am habeenimo.

26-ki bishii June ee la soo dhaafay ayay ahayd markii koox ka tirsan al shabab ay bur buriyeen anteenno noocaan ah oo ku taalay deegaanka Damasa oo hoostaga isla degmadaasi Lafey ee maamul goboleedka Mandera.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *