Saraakiil sar sare oo iska casishay taliska Milatariga Turkey-ga

Wararka ka imaanaya waddanka Turkey-ga ayaa sheegaya in ay xilalka iska casileen 2 generaal oo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee taliska ciidamada Milatariga ee dalkaasi.

Generaaladaan ayaa la sheegay in ay ka mid ahaayeen 4-ta sarkaal ee ugu muhiimsanaa golaha sare ee maamula ciidamada difaaca dalka Turkey-ga.

Tallaabada is casilaadda ah ee ay ku dhaqaaqeen saraakiishaasi ayaa timid xili la filayay in uu dhaco kulan ay taliska Milatariga dalka Turkey-ga doonayeen in ay uga arrinsadaan xoojinta maamulka Milatariga.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in 2-da Generaal ee maanta is casishay ay ka careysanyihiin talaabooyinkii ay dowladda Turkeyga qaaday markii uu dhawaan dalkaasi ka dhacay afgambigii Milatary ee dhicisoobay.

Dowladda Turkeyga ayaa wixii ka dambeeyay inqilaabka fashilmay 15-kii bishaan July waxa ay shaqada ka cerisay in ka badan 1,223 xubnood oo ka tirsanaa Milatariga, kuwaas oo ay ku jireen ilaa 87 Generaal.

Dhinaca kale xukuumadda Ankara ayaa albaabada isugu dhufatay qaar ka mid ah jaraa’idka kasoo baxa qeybo kala duwan oo ka mid ah dalka Turkey-ga.

Tallaabada ka dhanka ah xarumaha warbaahinta ayaa waxa ay dhinacyo badan ku tilmaameen caburin lagu sameynayo warbaahinta wadankaasi ka howlgasha.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *