Siyaasiyiinta dalka oo looga digay in ay maalgaliyaan ururrada la mamnuucay

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka ay sameeyaan dhaqdhaqaaqyo ay dib ugu abaabulaan kooxaha la mamnuucay oo ay ka mid yihiin Mungiki iyo Gaza.
Doorashooyinkii lasoo dhaafay ee dalka ka dhacay ayaa qalalaase lagu dheehay waxaa horay loogu eedeeyay hogaamiyeyaasha siyaasadeed oo lagu dhaliilay in ay adeegsadeen kooxaha amni darrada abuura.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda amaanka qaranka Joseph Nkaissery ayaa sheegay in amni darrada ay hadda kusoo badaneyso maamul goboleedka Kiambu.
Nkaissery ayaa carrabka ku dhuftay in deegaannada ugu badan ee ay amni darrada baahsan ka jirto ay yihiin Kikuyu, Kabete iyo Limuru, oo dhamaantood ka wada tirsan Kiambu.
Waxa uu wasiirka uga digay hogaamiyeyaasha syaasadda in ay sii wadaan dhaqdhaqaaqyadaasi oo uu sheegay in masuuliyaddooda si adag loogulaxisaabtami doono.
Mr Nkaissery ayaa hadalkaan ka sheegay kulan looga hadlayay amaanka oo uu la yeeshay qaar ka mid ah saraakiisha laamaha amaanka iyo hogaamiyeyaal siyaasadeed.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *