Uhuru oo lagu wado in u boqasha ku tago Countiga Kwale

Madaxweynaha dalka ahna hoggaamiyaha isbahaysiga Jubilee ayaa waxa lagu wada in u booqasho afar maalin ah uu ku tago countiga kwale halkaas oo lagu wado in u ka dah furo mashruucyada dawladda Jubilee ay agaasi ka sameysay waxana dhanka kale lagu wada in u sidoo kale uu u ololeeyo isbahaysigiisa Jubilee si ay dadka deeganka ugu codeeyan doorashada dalka ka dhici doonto sanadka soo socda ee 2017-ka.

Dadka deeganka Lamu oo inta badan la sheego in ay kamid tahay goobaha sida weyn tageerada looga hayo isbahaysiga Cord ayaa lagu wada in ay madaxweynaha xasuusiyan balamadi u horey uga qaaday kuwaas oo ilaa iyo hadda uusan qaarkood fulinin waxana kamid ah Kinango- Kwale taas oo u madaxweynaha sheegay in u laami saari doono oo ilaa iyo waqti xaadirkan aan shaqadeeda la guda galin.

Haweeneyda aqalka barlamaanka u matasho haweenka Kwale Zainab Chidzuga ayaa waxa ay dadka ku dhaqan countigaas u xaqiijisay in madaxweynaha u halkaas xariga uga jari doono dhismaha wadada isku xirto Samburu-Kinango-Kwale waxana haweeneydan oo kamid ah siyaasiyiinta ka soo goostay xisbiga ODM ayaa xili ay ka hadleysay deeganka Kombani oo ay dadka ay saameyeen abaaraha ay u qeybineysay cunada gargaarka ah sheegtay in dhismaha wadadan ay sare u qadi karto ganacsiga countigaasi.

Madaxweyne uhuru Kenyatta ayaa waxa u dadaal dheer ugu jiray sida u ku gaari lahaa goobaha aan sida weyn looga codeynin doorashada guud ee dalka ka dhacday sanadki 2013-ka halkaas oo u ka fulin jiray mashruucyo horumarineed waxana countiga Kwale oo kaliya u ka helay codad lagu sheegay in ay yihiin 17,633 halka hoggaamiyaha CORD oo ay xafiltamaan uu isna helay codad dhan 101,407.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

1 thought on “Uhuru oo lagu wado in u boqasha ku tago Countiga Kwale

  1. boqashada madaxweynaha kwale waa mid u cod kuraadasanayo maahan mashaaric muxu ufuri waa sanadihii laso dhaafey
    hada waa iska cod radiis baan dhihi laha

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *