Edeysanayaal ka tirsan kooxda MRC oo dil lagu xukumay

Laba  edeysanayaal oo la aaminsanyahay in ay ka tirsanyihiin kooxda  isku magacawday golaha jamhuuriga ee Mombasa oo loo yaqaano MRC ayaa maanta dil lagu xukumay.

Labadan qof ayaa lagu cadeeyay in  wax yar ka hor doorashadii guud ee dalka ka dhacday sanadii 2013-kii ay dileen taliyada  saldhiga booliska  ee  Changamwe  iyo seddex kale oo  boolis ah

Garsoore Martin Muya oo dacwadan dhageysanayay ayaa sheegay in waaxda dacwad oogista  ay kiiskan ku cadeyeen  Jabir Ali Dzuya  iyo  Bwanamkuu Alwan.

Sarakiisha la sheegay in ay dileen ayaa kala ah  Otieno Owouri, Salim Chebii , Stephen Maithya  iyo  Andrew Songwa oo  howlaha doorashada isku diyaarinayay.

Garsooraha ayaa carabka ku dhuftay  in dilka loo geystay sarakiishan  looga gol lahaa in dadka ku dhaqan gobolka xeebta looga hor istaago in ay codeyaan.

Dhanka kale  garsooraha ayaa yiri  dilka loo geystay sarakiisha  waa mid arxaan daro ah sidas awgeedna qaadanaya  xukunka dilka oo aan u arko in  dambilayaashan ay mudanyihiin.

Labadan qof ayaa dhankooda maxkamada ka codsaday in ay u naxariisato maadama sida ay hadalka u dhigeen ay qoysaskoodu ku tiirsanyihiin.

Dilkan aya la sheegay in Jabir Ali Dzuya  iyo  Bwanamkuu Alwan ay geysteen  3-dii bishi  sedexaad ee sanadii  2013-kii iyaga oo ku sugan  Jomvu oo ka tirsan maamul goboleedka Mombasa.

Maxkamada ayaa siideysay  Badi Said Kasim  iyo  Omar Salim Juma oo labada qof ee dilka lagu xukumay lala soo eedeyay maadama dambiyada lagu soo eedeyay anan lagu cadeynin.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *