Faahfaahin dheeraad ah oo kasoo baxaysa weerar shalay ka dhacay deegaanno ka tirsan Mandera

Masuuliyiinta laamaha amaanka ee maamul goboleedka Mandera ayaa faahfaahin ka bixiyay qasaaraha ka dhashay weeraro shalay galinkii hore ilaa habeen hore ka dhacay magaalooyinka Lafey iyo Fino ee ka wada tirsan Mandera.

1 askari oo ka tirsan ciidamada amanaka ayaa ku dhintay halka 6 kalena ay ku dhaawacmeen weerar loo adeegsaday Miinada dhulka lagu aaso oo lala eegtay gaari ay saarnaayeen ciidamada amaanka.

Qaraxaan ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Fino iyo Lafey.

Ciidanka dhacdadaasi la kulmay ayaa xiligaas ku wajahnaa magaalada Lafey ee maamul goboleedka Mandera, iyagoo damacsanaa in ay u soo guur galaan xaaladda ka jirta halkaasi kadib markii habeenimadii khamiista soo galeysay ay dabley lagu tuhunsanyahay al shabab weerareen isla markaana burburiyeen bir anteeno ah oo ay keedahay shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom.

Ku xigeenka gudoomiyaha maamul goboleedka Mandera ee qaabilsan bariga Mandera David Mbevi ayaa idaacadda Star Fm u xaqiijiyay dhacdadaasi iyo qasaaraha ka dhashay.

Laamaha amaanka ee ka howl gala Mandera ayaa mudooyinkaanba waday kooxo hubeysan oo lagu tuhunsanyahay al shabab, kuwaasoo dhaqdhaqaaqyo amni darro oo soo noqnoqday ka fuliyay deegaanno ka tirsan maamul goboleedka Mandera.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

1 thought on “Faahfaahin dheeraad ah oo kasoo baxaysa weerar shalay ka dhacay deegaanno ka tirsan Mandera

  1. I’ve been browsing online greater than 3 hours lately, yet
    I by no means found any interesting article like yours.
    It is pretty price enough for me. In my opinion, if all webmasters and
    bloggers made excellent content material as you did, the net might be a lot more helpful than ever
    before. http://bing.co.uk

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *