Gavanaha countiga meru Peter Munya oo ku biiray xisbiga PNU

Gavanaha countiga Meru Peter Munya  oo horay uga tirsanaa xisbiga siyaasadeed ee Alliance Party of Kenya loona soo gaabiyo  APK aya hada si rasmi ah u shaaciyay in uu xisbgaas isaga baxay.

Gavanaha  ayaa xusay in uu ku biiray  xisbiga PNU oo uu ku tilmaamay mid soo jireen ah  kenyaanka  horumar gaarsiiyay.

Peter Munya oo sido kale ah gudoomiyaha golaha ay ku bahobeen gavanarada dalka ayaa ka dhawaajiyay in xisbiga PNU uu u adeegsan doono ololihiisa siyasadeed oo uu sanada 2022-ka ku doonayo in uu madaxweynaha dalka noqdo.

Sido kale peter munya ayaa meesha ka saaray in aynan micna keneynin xisbi cusub oo la sameeyo iyada oo lagu midoobi karo xisbiga PNU.

Ugu dambeyntina hadalkan ayuu gavanaha ka jeediyay munasabad shacabka countiga meru ay isaga baarayeen cudurka kansarka  oo  ka dhacday waqooyiga degaanka igembe ee maamul goboleedka Meru.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *