Gudiga la xisaabtamka senetka oo amar ku bixiyay in la soo xiro gavanaha Countiga Kakamega

Gudiga la xisaabtanka aqalka senetka dalka ayaa waxa ay taliyaha guud ee ciidamada booliska dalka fareen in u soo xiro gavanaha Countiga Kakamega Wycliffe Oparanya si uu u hor keeno gudigaas maalinta isniinta waxana ay gudigan kala direen koox u gavanahaas soo diray si ay uga jawaaban su’alaha ku qotoma habka uu u mareeyay lacagaha miisaniyad sanadeedka 2013-ka-2014-ka ee maamul goboleedka Kakamega waxana kooxdaasi hoggaaminaayay kuxigeenkiisa Professa Philip Kutima waxana ay gudigaan sababta ay ku kala direen kooxdaasi loo diray in ay kasoo hormuqdan in ay tahay in ay doonayan in ay la xisaabtamaan oo kaliya Gavanayaasha ay u yeeran oo aysan dooneynin cid kale.

Guddigan ayaa amar lagu soo xiraayo gavanahaas u cuskaday  dastuurka dalka qodobkiisa 125 kaas oo awood u siinayo in ay maxkamadda sare ee dalka ay ku amri karaan in ay soo xirto masuul kasta oo dhaga adeega in u kasoo hormuqdo guddigaasi si loo gala xisaabtamo lacagaha ay leeyihiin dadweynaha oo ay isaga tahay masuuliyadiisa in u ilaaliyo isla markaasina ogaado halka ay ku baxaayan.

Oparanya ayay gudiga doonayeen in u meel ku sheego lacag dhan 7.4 bilyan oo shillinka dalka ah taas oo qeyb ka ahayd miisaniyad sanadeedka 2013-ka-2014-ka waxana ay tan tahay marka 2-aad ee u biishan July ka dhaga adkeeysto in u ka soo hormuqdo gudigaas waxana gudiga la xisaabtanka senetka ay fareen gavana kuxigeenka countiga kakamega in uu u soo gudbiyo liiska shaqaalaha countigaas oo ay isla soo safreen si ay u matalaan gavanaha iyo lacagaha lagu qarash gareeyay si ay aqalka senetka uga soo hormuqdan si markaasi lacagahaas looga qaado gavanaha waxana sidaas sheegay gudoomiyaha gudigaas ahna senetarka laga soo doortay galbeedka Pokot John Lonyangapuo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *