Isbahaysiyada CORD iyo Jubilee oo ka wada heshiiyay tarikhda Doorashada xigta ay dalka ka dhici doonta

Labada Isbahaysi ee ugu weyn dalka ee kala ah CORD iyo Jubilee ayaa ka wada heshiiyay tarikhda doorashada guud ee la filayo in ay dalka ka dhacdo sanada inagu soo foodleh ee 2017-ka ay dalka ka qabsoomeyso waxana ay labada Isbahaysi hoosta ka wada xariiqen iyago isla markaasina isku afgartay in ay doorashada guud ay qabsoomi doonto tarikhda marka ay tahay 8 biisha August ee sanadka 2017-ka waxa sidoo kale warar soo baxaayay ay sheegayen in Saraakiisha Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC in la badali karo iyado la soo magacaabayo saraakil cusub oo u xil saarnan doonto doorashada 2017-ka waxana ay Isbahaysiga Mucaaradka dalka ee CORD ku andacooden in gudiga xafiiska hayo xiligan aan loo dhiibin in ay qabtan doorasha kale maadama ay ku fashilmeen doorashadi 2013-ka wa sida ay hadalka u dhigeen.

Iyado oo ay wali jiraan waxyaba dhowr ah oo ay labadan isbahaysi isku afgaranin ayaa waxa ay Jubilee gaashanka u daruurtay eedeymaha loo jeedinayo gudiga doorashooyinka oo ay sheegen in u yahay olole ka dhan ah gudigan oo ay watan CORD oo kaliya waxana Isbahaysiga CORD ay soo saaren warbixin ka kooban 2500 boog taas oo laga soo qaaday xafiiska xisaabiyaha guud iyo gudiga la xisaabtanka ee Public accounts committee ayaa waxa ay ku sheegen in warbixintaas ay qeexeysa habka loo isticmaalay lacagihi loo qondeeyay in lagu soo iibiyo qalabka BVR ee loo isticmalaayay doorashadi sanada 2013-ka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *