Kooxda Al-Nusra Front oo xiriirka u jartay ururka al Qaacida

Masuuliyiinta sar sare ee kooxda Al Nusra Front ee ka dagaalanta waddanka Syria ayaa ku dhawaaqay in ay badaleen magicii kooxdooda isla markaana ay xiriirka u jareen shabakadda al Qaacida oo ay markii hore xubin muhiim ah ka ahaayeen.

Hogaamiyihii hore ee kooxda Al Nusra Front Abu Mohammed al-Jolani oo in muddo ah kadib markii ugu horeysay kasoo muuqday cajalad muuqaal ah ayaa shaaciyay in magicii kooxdaasi hadda laga dhigay “Jabhat Fath al Sham” ama (jabhadda xoreynta dhulka Shaam).

Sarkaalkan ayaa sheegay in ay kooxdiisa gabi ahaanba so oaf jartay howlgalladii ay ku fulineysay magaca jabhadda Nusra xiligaan wixii ka dambeeyana ay magacooda cusub isticmaali doonaan.

Cajaladda uu kasoo muuqday Mr Jolani oo la shaacay galinkii dambe ee shalay oo khamiis ahayd ayaa waxa ay kusoo aaday xili dhawaan ay soo baxeen warar sheegaya in hogaamiyaha sare ee shabakadda Al Qaacida uu ansixiyay tallaabada ay kopoxda al Nusra Front uga go’day Al Qaacida.

Kooxdaan oo si aad ah u hubeysan ayaa markii ugu horeysay magaceeda soo shaac bixisay horaantii sanadkii 2012-ki, kadib markii ay sheegatay masuuliyadda qaraxyo bambaanooyin ah oo ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Aleppo.

Dowladaha Mareykanka, Ruushka iyo golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa horay kooxda Al Nusra Front ugu aqoonsaday koox argagixiso ah, iyagoo kusoo rogay cunaqabateyno kala duwan.

Waxa ay sidoo kale kooxdaan iyo kooxda kale ee la magac baxday dowladda Islaamka ee ISIL ka reebeen garabyada mucaaradka dalka Syria ee ka qeyb galaya wada xaajoodyada nabadeed ee lagu dhex dhexaadinayo dhinacyada isku haya siyaasadda dalka Syria.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

1 thought on “Kooxda Al-Nusra Front oo xiriirka u jartay ururka al Qaacida

  1. It’s appropriate time to make some plans for the future and it’s time to be happy.

    I have read this post and if I could I desire to suggest you few interesting things or advice.
    Maybe you can write next articles referring to this article.
    I desire to read more things about it! http://yahoo.net/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *