Qaramada midoobay oo maanta u codeyn doonta ciidamo nabad ilaalin ah oo la geeyo waddanka Burundi

Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa la filayaa in ay u codeeyan in ciidamo nabad ilaalin ah in la geyni doono iyo inkale waxana la sheegay in ciidamadaas ay kor kala socon doonan xadgudubyada ka dhanka ah baniaadamka ah iyo in ay xasilooni waddankaas ku soo celiyaan.

Dawladda Faranse ayaa codsatay codka qabyada ah ee loo soo bandhigay labo isbuuc ka hor kaas oo lagu waday in 228 oo ah booliska qaramada midoobay in loo diro magaala madaxda waddanka Burundi ee Bujumbura waxana sidoo kale la qorsheynaayay in gud ahaan Burundi loo diro mudo sanad gudihiis ah.

Dawladda Burundi ayaa dhinaca kale talaabada waddankeeda lagu keenayo booliska gaashanka u daruurtay iyado sheegtay in aysan ogolaan doonin in kabadan 50 boolis oo ah kuwa qaramada midoobay.

Waddanka Burundi ayaa waxa ka socday dagaalo biloowday biishi April ee sanadki tagay ee 2015-ka kaas oo galaaftay noolasha in ka badan 500 dilalkaas oo lagu eedeeyay in ay geeysteen booliska Burundi waxana ay dagaaladan daba socdayn kadib marki u madaxweynaha dalkaas Pierre Nkurunziza sheegay in uu u tartami doono xilka madaxweynenimo markiisa 3-aad taas oo ka soo horjeeda dastuurka dalka waxana dhinaca kale dalkaas isaga cararay 270,000 oo qof kuwaas oo qaxooti ku ah waddamada dariska ay yihiin Burundi.

 

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *