Sarakiisha gudiga EACC oo ay maxkamada u diiday in ay jeediyan hadala ka dhan ah Philip Kinisu

Maxkamadda sare ee dalka ayaa soo saartay  go’aan sarakiisha gudiga anshaxa  iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ka hor istaagayo in ay jeediyaan hadala ka dhan ah gudomiyaha gudiga  Phillip Kinisu.

Hadaladan  ay maxkamadda diiday in ay jediyaan ayaa ah kuwo la xiriira baaritaanada sarkalkan lagu sameynayo.

Garsoore Edward Muriithi  ayaa soo saaray amar ku meel gaar ah oo ku aadan madaxa fulinta ee gudiga EACC  Halakhe Waqo, kuxigeenkiisa  Michael Mubea  iyo sarakiisha kala ah Sophia Lepuchirit, Dabar Maalim, Paul Gachoka  iyo  Rose Macharia.

Maalintii shalay ayey ahayd markii sarakiishan ay dalbadeen in Philip Kinisu uu xilkiisa iska casilo  si loogu sameeyo baaritaanada ku aadan sida shirkad lala xiriirinayo ay qandaraas  ay siisay waaxda adeega qaran ee dhalinyarada ee NYS ugu guleysatay.

Mid ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa  xuququl aadanaha  oo lagu magacaabo Okiya Omtatah aya maxkamada u gudbiyay dacwad ka dhan ah  saraakiisha gudiga EACC, agaasimaha waaxda dambi baarista Ndegwa Muhoro iyo  koox lagu magacaabo  Bunge la Wananchi .

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *