Taliyaha ciidamada wadooyinka ee Kericho oo musuq-maasuq loo xiray

Howlgal ay maanta fuliyeen sarakiisha  gudiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC  ayaa maanta lagu soo xiray taliyaha ciidamada wadooyinka ee loo yaqaano taraafikada  ee countiga Kericho James Kiili .

Xabsiga  taliyahan ayaa yimid kadib markii sida la sheegay uu dalbaday in  la siiyo lacag dhan 5,000 oo shilin si loo daayo baabuurta gacanta lagu dhigay.

Mr Kiili ayaa lagu wadaa in maalinta isniinta la hor geeyo maxkamadda waaxda ladagaalanka musuqmaasuqa ay ku leeyihiin maamul goboleedka Nakuru .

Sarakiisha gudiga EACC oo dabinkan udhigay aya qabtay isaga oo lacagta ka qaadanaya mulkiilaha baabuurka gacanta sarkaalkan ku jiray .

Dhacdadan ayaa qeyb ka ah liiska tirada ciidamada wadooyinka  ee gacanta lagu dhigayo iyaga oo laluush qaadanaya  kuwaas oo sara u sii kacaya.

Bishi August ee sanadii la soo dhaafay ayey ahyd markii  sarakiisha gudiga EACC ay xireen garsoora xiligaas ka howlgalayay maxkamad ku taala kericho  Judith Achieng Nyagol.

Haweneydan ayaa lagu eedeyay in ay ogolaatay in ay qaadata laalush gaaraya 10,000 oo shilin.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

2 thoughts on “Taliyaha ciidamada wadooyinka ee Kericho oo musuq-maasuq loo xiray

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *