
Ugu yaraan 28 ruux oo u dhashay wadanka suuriya ayaa ku nafwaayay halka tira kalena ay ku dhaawacmeen duqeymo dhanka cirka ah oo ay fuliyeen isbeheysiga uu mareykanka hogaaminayo.
Duqeymahan ayaa ku soo begmaya iyada oo caqabad ay ka taagantahay dadaalada mareykanka uu Ruushka kula kaashanayo dagaalka ka dhan ah kooxda isku tilmaanta khilaafada islaamka ee isis .
Maalintii shalay ayey ahayd markii duqeymo laga beegsaday magaalada ay kooxda Isis gacanta ku heyso ee Ghandour sida laga soo xigtay hay’ad u ololeysa xuququl aadanaha oo uu fadigeedu yahay ingiriiska.
Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalo ay weli ka socdaan qeybo ka tirsan wadanka suuriya halka kooxda al-Nusra ay ka go’aday alqaacida.
Magaalada ay duqeymaha ka dheceen ee Ghandour ayaa masaafa dhan 23km kaga beegan waqooyi galbeedeka Manbij.
Taliska mareykanka oo daba gal ku sameysa howlaha militariga mareykanka ee bariga dhexe ayaa sheegay in ay bilabeen baritaana la xiriira dilka rayidka loo geystay.
Duqeymaha ayaa ku soo begmaya maalin kadib markii isbeheysiga duqeymahan fulinayo uu bilaabay baaritaana rasmi ah oo lagu xaqijinayo in rayid ay ku nafwayeen duqeymihii isbuucii la soo dhaafay ay ka fuliyeen meel u dhow magaalada Manbij .
Ugu dambeyntina hay’adda xuquuqul insaanka ee ingiriiska fadhigeedu yahay ee loo soo gaabiyo SOHR ayaa sheegtay in ku dhawaad 600 oo udhashay wadanka suuriya oo ay ka mid yihiin 136 caruur ah ay ku nafwayeen duqeymaha dhanka cirka ah tan iyo bishii sebtembar ee sanadii 2014-kii.
Asc. Starfm. Wadku mahadsantihin fursadan ad inoso bandhigten. Run ahanti suuriya wa lagu dhamadey waxay noqotey goob huhka lagu barowesto