Waalidiinta oo dawladda ka dalbaday in ay gar gaar dayactir loogu sameynayo qeybaha jiifka scholada ay u fidiso

Waalidiinta ayaa waxa ay dawladda ka dalbadeen in ay gacan ka geysato dayactirka lagu sameeynayo schoola la gubay kuwaas oo ay ardayda gubeen gar ahaanna qeybaha jiifka kuwaas oo ay ardayda dab qabadsiinayan oo ilaa iyo hadda lagu soo waramaya in dugsiya kor u dhaafaya boqol dab la qabadsiiyay waxa ay waalidiinta dugsiga sare ee Kiamworia ee kuyaala konfurta gatundu xili ay la hadlaayen warbahiinta maalinta shalay ahayd ayaa waxa ay sheegen in ay ardayda ogeen waxa dhaliyay in scoladooda dab la qabadsiiyo waxana ay sheegen in marqatiyada qaarkod ee la helayo ay sheegayan in laga yaabo Scholada in aysan gubeynin ardayda waxana ay intaas raciyeen in aysan ahayn in waalidiinta la dulsaro culeyska ah in ay dib dayactir ugu sameeyan scholada gubtay.

Qeybta jiifka ee dugsigaas oo ka kooban 170 sariir isla markaasina ah mid gor dhow la dhisay lagu dhisay 5 milyan ayaa waxa dab qabadsiiyay dad aan la aqoonin habeenka arbaca ay soo galeysay xili ay ardayda aaden fasalada si ay u qaatan daruus dheerad ah balse arday dhacdadaas ku waxyeloobayma uusan jirin.

Haweeneyda ah gudoomiyaha waxda qaran ee adeega caruurta Joyce Wanjiku Ngugi ayaa waxa ay ka codsatay dawladda in ay xaal kama dambeys ah ka gaarto kacdoonkan soo noq noqday oo ardayda ay dab ku qabadsiinayan dugsiyadooda.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *